|

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka hadlay ahmiyada uu leeyahay Imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayaa ka hadalay Ahmiyada imtixaanku u leeyahay Bulshada Reer Puntland.

Maanta oo Sabtiya taariikhduna ay tahay 20 bisha Maajo, 2017 waxaa Imtixaankii Shahaadiga ahaa u fariisanaya dhamaan ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ee Dawladda Puntland, ardayda imtixaanka u fariisanaysa tiradoodu waxay gaaraysaa 12,687 arday, waxayna imtixaanka ku kala galayaan 86 xarumood oo ku kala firirsan 9ka gobol ee ay Puntland ka kooban tahay.

Waxaan usoo gudbinayaa dhammaan ardayda u fariisanaysa imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland hambalyo ay ku larantahay duco, anigoo Alle uga baryaya inuu ku guuleeyo imtixaanka ay u fariisanayaa maalinta Sabtida ah.

Waxaaan ardayda kula dardaarmayaa inay imtixaanka si degan ku galaan, kuna kalsoonaadaan aqoontii ay sanadaha badan soo baranayeen, imtixaanku waa qiimayn, ciqaab maaha, waana imtixaan aad haddii Alle idmo si wanaagsan oo raaxa leh uga jawaabi doontaan, marka ha warwarin, naftaadana kalsooni gali.

Sanad walba xilligaan oo kale ayaa la qabtaa imtixaanka Shahaadiga ah ee ka dhaca Deegaannada Puntland, kaaso ah imtixaan lagu qiimaynayo ardayga waxsooo baranayay muddada 8 sano ah iyo sidoo kale kan isna waxbarashada soo waday 12ka sano, si loo hubiyo aqoontooda iyo tayadooda waxbarasho.

Imtixaanka waxaa ardayga laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah, marka uu ka gudbayo marxallada dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay, si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxaladda Dugsiga Sare, sidoo kale waxaa imtixaankan u fariista ardayga dhammeeyey Dugsiga Sare oo u tallaabaya marxaladda Jaamacadda, waa laba marxaladood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ardayga lagu sameeyo qiimayn dhab ah, taasoo uu qayb wayn ka yahay imtixaanka Shahaadiga ahi (Centralized Exam).

Imtixaanka Shahaadiga ahi kaalin mug leh ayuu ka qaataa tayada waxbarashada Puntland guud ahaan, wuxuu abuuray jawi tartan oo u dhexeeya ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka, sidoo kale waxaa tartanka qayb wayn ka ah goobaha waxbarashada, maamulayaasha, macallimiinta, waalidiinta, madaxda gobollada, qolo walibana waxay rajo wayn ka qabtaa inay kaalin la taaban karo ka gasho imtixaanka, ardadeeduna ay noqdaan kuwa ku guulaysta kaalimaha hore si ay uga mid noqdaan ardayda loo qoondaynayo deeqaha waxbarasho ee sanad walba lagu tartamo.

Sidoo kale, imtixaanka Shahaadiga ahi wuxuu kobciyay tayada waxbarasho ee ardayda, iyadoo arday walbaa uu diyaar garow iyo aqoon kororsi bilaabayo waqti hore si uu imtixaanka shahaadiga ah kaalin fiican uga galo, sidoo kale waxaa iyana bilaabatay in macallimiinta lagu xusho aqoon iyo tayo, macallinba macallinkii uu ka aqoon fiican yahayna uu ka fursad badan yahay, iyadoo laga eego aqoonta uu maaddada u leeyahay iyo sidoo kale qaabka waxdhigistiisaba.

Haddaba, si loo tayeeyo imtixaanka Shahaadiga ah oo qiimaha waxbarashada u leh, waxay Wasaaraddu tababar u dirtay shaqaalaha Waaxda Imtixaanaadka, waxayna muddo 20 cisho ah tababar kusoo qaateen Dalka Suudaan, waxaana tababarku xoogga saarayay qiimaynta iyo xirfadaha kala duwan ee uu baahan yahay imtixaanka Shahaadiga qaadistiisu, waxaana sanadkaan isbeddel ballaaran lagu sameeyey qaabka qaadista imtixaanaadka iyadoo laga faa’idaystay tababarkii Suudaan.
Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland khibrad ballaaran ayay u leedahay qaabka imtixaanaadka Shahaadiga ah loo degiyo, loo qaado, loona saxo, waxaa la bilaabay imtixaanaadka Shahaadiga ah sanadkii 2003dii, waxaana halkaas kaaga muuqanaysa in Puntland ay qaangaar ka tahay dhinaca imtixaanaadka Shahaadiga ah, waxayna khibradaas ballaaran la wadaagtay Wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo qaybo badan oo ka mid ah Dawlad-Goboleedyada sida Jubba Land, Koofur Galbeed iyo Hir-shabeelle.

Ugu dambayntii, waxaan u mahadcelinayaa Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada & TS ee Dawladda Puntland, way ku ammaanan yihiin dadaalka ballaaran ee muujiyeen iyo sida hawl-karnimada leh ee ay u agaasimeen imtixaanaadka Qaran ee ay gacanta ku hayaan, waxaan kaloo halkaan uga mahadcelinayaa maamulka Sare ee Wasaaradda oo ugu horreeyo Wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan, Guddoonka waxbarashada heer gobol iyo degmaba, kuwaas oo dhamaan la garab taagnaa Waaxda imtixaanaadka waxkasta oo taageero ah oo ay uga baahato.

Waxaan mahad gaar ah hawada uga tebinayaa Madaxweyne C/weli iyo Madaxweyne ku xigeenka Camey oo had iyo jeer dadaal wayn ku bixiya sidii ay Wasaaraddu ugu guulaysan lahayd hawsha Qaran ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee loo xilsaaray.

Puntlandi.com

Comments are closed