|

Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Puntland Oo Xilka Laga Qaaday

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

Markuu Arkay:                  Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday:     Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu  Xeeriyey:

  1. Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
  2. Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Xil ka qaadista Wasiiru dawlaha ayaa timi ka dib markii uu ka hadlay arrinta Qalbi dhagax oo dawlada Soomaaliya ay Itoobiya u dhiibtay.

Hoos Ka Akhriso Digreetada;

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login