|

Wasiir Qarjab.” Khasaare ka weyn weerarkii Af-urur ayaan ugeysanay Alshabab.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay dowladda Puntland inay kooxda argigixisada ah ee Alshabab u geysatay khasaare ka weyn midkii ay ka geysateen weerarkii af-urur ee dhacay bishii june.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay weerarkii Af-urur kadib inay ciidanka difaaca Puntland dileen 28 kamid ah Shabaabka Galgala, sidoo kale wuxuu sheegay in laga qabtay maxaabiis ka badan 50, kuwaas oo dhawaan sharciga la horkeenidoono si dambigooda loogu qaado.

Qarjab ayaa sidoo kale cadeeyay inay dowladda Puntland gacanta ku dhigtay xubno kale oo Shabaab katirsan, kuwaas oo kasoo safray koonfurta Soomaaliya iyo Soomaaliland islamarkaana kusii jeeday buuraha Galgala. halka qaar kalena ay ku wajahnaayeen kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaya aaga Qandala.

Wasiirka warfaafinta ayaa macluudkaan la wadaagay wasiirka cusub ee amniga dowladda Puntland, Cabdulaahi Yuusuf Dowlad,kaasoo xilkiisa si rasmi ah ula wareegay.

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login