Wasiirada iyo W ku xigeenada cusub ee Puntland oo bari la dhaarinayo
Bari subax (Isniin 17-09-2012) waxaa madaxtoyada Puntland ee Garowe ka dhaceysa Xaflad lagusoo bandhigayo laguna dhaarinayo Xubnaha cusub ee Golaha wasiirada Puntland kuwasoo uu Madaxweynaha Puntland uu shalay (jimce 15-09-2012) magacaabey.
Inkastoo qaar kamid ah xubnaha la magacaabey aysan wali kusoo xeroon Garowe hadana waxaa la dhaarinayaa bari kuwa hada ku sugan Garow oo qaarkood ay maanta soomgaareen caasimada.
Xaflada waxaa goob joog ahaan doona Madaxweynaha Dowlada puntland Dr. Cabdiraxmaan Farooe, Madaxweyne ku Xigeenka PL Jen. Cabdisamad Cali, Gudoomiyaha Baarlamaanka PL Cabdirashiid M. Xirsi, Wasiirka Arimaha Gudaha Jen. cabdullaahi Axmed Jamac Ilka jiir, Xubno ka tirsan labada Gole iyo Masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada.
Puntlandi.com kala soco Dhaarinta.
Puntlandi.com
Garowe


