|

Wasiirka Amniga Puntland oo uga qaybgalaya Puntland Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Garowe(Pi)Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dowlada Feedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Puntland uga qaybgalaya Xubno heer wasiir ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Warar rasmi ah oo Puntlandi heshay ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Faroole uu ka baaqdey ka qaybgalka xaflada Caleema-saarka Madexweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya arrimo shaqo oo muhiim ah awgood.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Feedaraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Puntland waxay kuwada hadleen khadka teleefoonka lakiin lama sheegin waxyaabahay kawada hadleen.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed