|

Wasiirka amniga dowladda Puntland oo digniin udiray maamulka Somaliland

Wasiirka amnia dowladda Puntland Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa digniin xoogan udiray maamulka Soomaaliland oo waayahaan dambe dhaqdhaqaqyo ka wada xuduudaha Puntland, iyagoo doonaya inay diiwaangelin doorasho ka sameeyaan gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka amniga oo saxaafada kula hadlay Garowe, ayaa sheegay Puntland inaysan marnaba weerar ku ahayn maamulka dariska la ah, laakiin wuxuu cadeeyay inay dhulkooda difaacayaan haddii uusan maamulka Soomaaliland joojinin daandaansiga.

Wasiir Dowlad ayaa sheegay inay Soomaaliland aqoonsi ku raadinayso dhul aysan lahayn, iyagoo intaas ku daray inay sanadka walba dhibaato ugeystaan dadka shacabka ee ay xooga ku haystaan ee aan doonayn maamulkooda.

Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa xoojisay ammaanka xuduudaha kuyaala gobolka Sool, iyadoo halkaas geysay ciidamo ka hortagaya iskudayda maamulka Hargeysa uu ku doonayo in si dhuumaalaysi diiwaan galin uga sameeyo gobolka Sool.

Puntandi.com

You must be logged in to post a comment Login