|

Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga oo gaaray Muqdisho iyo dhaawacyadii darnaa ee qarixii Muqdisho oo la qaadayo

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka degtay diyaarad Meleteri oo ka timid Dalka Turkey, waxaa lagu qaaadayaa dhaawacyada halista ah, waxaa ku sugan isla garoonka wasiirka Caafimaadka dowladda Turkey kaasoo muujiyay inuu aad uga xun yahya weerarkii bahalnimada ahaa ee maalin kor lagu gumaaday maato aan waxba galabsan.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Turkiga, Ahmet Demircan, waxaa ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Kheyre. Hadal uu warbaahinta siiyay, wuxuu sheegay in madaxweynaha Turkiga uu xun yahay weerarkii magaalada Muqdisho ka dhacay.

 

 

 

Comments are closed