|

Wasiirka warfaafinta Puntland oo jawaab ka bixiyay hadalkii Yaasiin Faratoonka maamulka Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta jawaab xoogan ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hargeysa, Yaasiin Faratoon, kaasoo shalay magaalada Laascaano ka sheegay inay Puntland kala heshiiyeen inaysan ka hor imaan diiwaan gelinta doorashada Soomaaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiir Qarjab oo la hadlay Puntlandtv, ayaa hadalkiisu ku bilaaay” halkaan waxaan uu soo fariistay  inaan beeniyo war ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha ee somaliland  oo sheegay in ay Puntland  Kula Heshiiyeen inay sanduuqyo keenaan  Gobolka sool iyo sanaag,arrintaasi wax ka jira ma jiraan! Mana Ogolin  Gobolada Sool iyo sanaag in ay sanduuqyo Keensato Soomaliland.

You must be logged in to post a comment Login