|

Waxgaradka Gaalkacyo ” Waa Muqadas inay dowladda Puntland difaacdo dhulkeeda duulaanka lagu yahay.

Dowladda Puntland ayaa saakay jawaab xoogan ka bixinaysa duulaanka qaawan iyo gardarrada joogtada ee lagu hayo shacabkeeda oo wehel u noqday madaafiic iyo hoobiyayaal si ulakac ah loogusoo garaacayay xaafadaha magaalada Gaalkacyo, Waxaa sidaas yiri Sargaal Ciidanka ka tirsan

Odayaasha iyo waxgaradka Puntland ee gobolka Mudug oo shir xasaasi ah ku yeeshay Gaalkacyo ayaa dowladda Puntland ku taageeray inay qaadi karto tilaabo kasta oo lagu difaacayo shacabka Puntland iyo duulaanka lagasoo qaadayo xaafada Baraxley.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warsidaha Puntlandi ayaa ku eedeeyay odayaasha xaafada Baraxley ee Galmudug inay xakamayn waayeen maleyshiyaadkooda har iyo habeen madaafiic kusoo garaacaya goobaha shacabka.

“Hasoo cadeeyaan odayaasha Baraxley ee Galmudug haddii ay qabsan la’yihiin maleyshiyaadkooda, anagu haddaanu nahay odayaasha reer Puntland waxaan ciidankeena ku amarnay inaysan qaadin wax tilaabo ah iyadoo madaafiic lagusoo garacaayo dhulkeena oo dagaal joogto ah lagu hayo ciidankeena,”ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Gaalkacyo.

Dagaalka haatan ka socda duleedka koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa sida wararka nagusoo gaarayaan waxaa ciidanka difaaca Puntland ay hal dhinac isugu geeyeen maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday oo laga jafay farriisimo ay duulaanka kasoo qaadayeen oo ku dhow halka loo yaqaano laamaha ama siiladii hore ee Ariga.

Wixii faahfaahin oo kusoo kordha dagaalka Gaalkacyo kala socda Putlandi.

Comments are closed