abaaraha
|

Weriye Cabdiraxmaan Koronto: Safarkaygii Puntland min Boosaaso Ilaa Gaalkacyo

284526_1700732536871_1794667053_1087821_8201234_n-2

Safarkaygii Puntland min Boosaaso Ilaa Gaalkacyo

Wuxuu ahaa safarkii iigu horeeyay ee aan dhulka ah ku soo maro Inta badan Puntland, laga soo bilaabo Boosaaso oo ku taalla badda cas ilaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Muddug, oo u kala qaybsan Puntland iyo Galmudug.

Horay waan u tagay Boosaaso Ilaa Xaafun. Duulimaad ayaan ku tagay magaalada Boosaaso, anigoo U shaqaynaya BBC World Service, oo ka mid ahaa weriyayaal caalami ah. Kadibna gawaari, ayaan ka qaadannay aan ku gaarnay magaalo xeebeedka Xaafun Sanadkii 2004, oo deegaanno ka mid Soomaaliya oo ku yaalla Badwaynta Hindiya uu ku dhuftay dhulgariirkii Badda ee Tsunami.

Safarkan hadda, waxaan ka mid ahaa wafdi cayaaraha Sport-ga kubadda kolayga gabdhaha, oo ka degay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Magaalada caasimadda ganacsi ee Puntland, waxaan tagnay waqti casar-liiq ah, iyadoo maamulkii magaalada sida guddoomiyaha iyo duqa magaalada, maamulka cayaaraha iyo Haweenka, ay dhamaantood si diirran garoonka ugu soo dhoweeyeen wafdiga. Gaar ahaanna u hambalyeeyay dhalinyarada gabdhaha Soomaaliyeed ee u tagay Puntland tartanka kubadda kolayga gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka.

Maamulku, wuxuu aad ugu dhiirigalinayay xubnaha wafdiga iyo cayaartoyda in si dhaqso ah loo raaco, oo la dadajiyo in boorsooyinka lagu raro baabuurta, sababo la xiriira qoraxda oo sii dhacaysay iyo amniga wadada ilaa buuraha Galgala, oo aan aad la isugu halayn karin.

Waxaan raacnay Ilaa 15 basaska yar yar ee caasiga loo yaqaanno, markiibana waxaanu u jihaysannay dhanka wadada aadda magaalada Garowe, iyadoo aan sii dhexmartay bartamaha suuqa magaalada Boosaaso.

Waxaa na hor socday gawaari ay wataan maamulka Boosaaso, oo ay hor socdaan baabuur ay saaran yihiin qoryaha dagaalka Ilaa aan ka dhaafno buuraha Gal-gala.

Waxay noo sheegeen mas’uuliyiintu in wixii markaa ka dambeeya aanay jirin wax aan ka walwalno, oo dhulka uu ammaan yahay.

Waxaanu sii wadannay safarkii, Gal-gala, waxaa xigay oo aan sii marnay Laag, Karin, Jiingadda, Ceel-Doofaar, Carmo,….Qardho, Dan Gorayo ilaa aan ka gaarnay caasimadda Puntland ee Garowe. Wuxuu ahaa safar nagu qaatay Ilaa 7 saacadood, inkastoo aan dhowr jeer daqiiqado hakannay, waa masaafo dhan Ilaa 442.5 km.

Masaafaha intaas la eg kuma aanan arag wax amni darro ah, iyadoo dhamaan baraha koontaroolada ciidamadu fadhiyaan ay naga sii warhayeen, oo aanan midna ku hakan.

Waxaa wax aanan ku arag ahayd Soomaaliyada kale, heerka isku xirka wanaagsan ee maamulada degmooyinka iyo tuulooyinka aanu sii maraynay, iyadoo deegaan kasta maamulkiisu nagu sugayay barta koontarool ee laga galo magaalada, nagu sii xirayay maamulka deegaanka xiga.

Ugu dambayntii waxaanu gaarnay caasimadda Puntland ee Garowe xilli ay ahayd 1-dii habeennimo.

Cayaarihii oo si habsami leh u bilowday, cayaartii furitaanka kooxdii Puntland ayaa si Xarago leh uga adkaatay kooxda Bilan, balse kulamadii dambe laga adkaaday qaarkood, maadaama hablihii ugu cadcaddaa ay xanuunsadeen. Ugu dambayntiise, kooxdii gabdhaha kubadda kolayga gobolka Banaadir ayaa koobkii hantay.

Dhowr maalmood kadib, oo aan u baahday in aan deg deg ugu laabto Muqdisho, cayaaraha oo aan dhamaan, howl la iiga baahnaa magaalada Muqdisho awgeed, ayaan duulimaad ka waayay Garowe, iyadoo ay maalin Jimce ah ahayd. Sabti waa jiray duulimaad ka baxayay Boosaaso, balse saacadihii dheeraa ee safarkii Boosaaso Ilaa Garowe ayaan wali saamayntiisii ka bogsan. Waxaase i dhiirigaliyay markii la ii sheegay in Gaalkacyo ay ka masaafo yar tahay Boosaaso, oo aan waqti ka yar ku tagi karo.

Maalinta Axadda ah, ayay diyaarad ka kacaysaa Gaalkacyo u socota Muqdisha ayaa la ii sheegay.

Markiiba waxaa raadis ugu dhaqaaqay gaari aan kiraysto, oo i geeya Gaalkacyo, iyadoo ka horna aan sii goostay tikidkii diyaaradda, oo markii la ii gooyay kadib la ii sheegay in ay ka kacayso garoonka diyaaradaha ee dhinaca Galmudug.

Dhowr qof oo safarkaygaa ogaa, waxay la noqotay filan waa, waayo waxay aad uga cabsi qabeen dagaalada muddooyinkii dambe ka dhacayay Gaalkacyo, iyadoo hadana ay qasbanaanayso in aan gudbo xudduud u dhaxaysa laba qaybood oo colaad ka dhex aloosnayd meelmo ka hor.

5-tii Galabnimo ee maalintii Sabtida, ayaa gaarigu cagta saaray waddadii aan ku tagi lahayn magaalada Gaalkacyo.

Darawalku, wuxuu markiiba i siiyay digniin ah in laamigu aad u jajaban yahay, oo godad waawayn ka qodmeen, safarkeenuna qaadanayo shan saac ku dhowaad.

Markiiba, waxaan niyadda iska iri waad qaldanayd in aad ka baaqato safarkii saaka ee Boosaaso, oo aan mari lahayn laami aad u nadiif, oo si wanaagsan u samaysan, safarkuna Ilaa Shan saac uu qaadan ahaa inta aan marayo laami burbursan oo godad badan.

Si kastaba ha ahaatee, safar adag oo waddadu burbursan tahay, ayaan waqti gabbal gaab noo bilowday, oo aan ka shiraacannay magaalada Garowe.

Dhulkii aan sii marnay waxaa ka mid ahaa Burtinle, oo Ilaa yaraantaydii aan maqli jiray iyo sidoo kale Buurya-qab, waxaanan ku hoyannay Bacaad-wayn, oo iyada lafteedu aanay dhagahaygu waxyar maqlin.

Deegaanada aan soo marnay qaybo ka mid ah way ka muuqatay abaarta guud ahaan dalka meelo ka mid ah ku habsatay, waayo waxaan hareeraha laamiga burbursan ee aan ku soconnay yaallay raqda xoolo baqtiyay iyo xoolo geel u badan, oo iyagoo wayd ah daaqayay naq aan badnayn, oo uu soo saaray roob aan yar, oo muddo ka hor ku da’ay deegaankaas.

Sababta aan ugu hoyannay Bacaad-Weyn, ayaa ahayd in darawalkii Gaariga uu ku adkaystay in aanan xilli habeen ah gali karin magaalada Gaalkacyo, sababtoo ah buu yiri wali kala-shakigu wuu jiraa, waxaana dhici karta ayuu yiri in nalaku qasbo in aan ku hoyanno Koontaroolka laga galo magaalada Gaalkacyo.

Xilli aroor ah, ayaan ka ruuqaansannay Bacaad-Wayn, inagoo isla maqaalada ka quraacannay xilli todobadii aroornimo ah. Sagaalkii subaxnimona, waxaan gaarnay magaalada Gaalkacyo.

Waa magaalo ila qurxoonayd intii yarayd ee aan dhexmarayay.

Koontaroolka magaalada, waxaa naga soo raacay nin oday ah, oo naga codsaday in aan horay u sii qaadno.

Darawalku ma garanaynin xadka magaaladu ku kala qaybsanto. Sidaa darteed, ayaan waydiinnay odaygii aan horay u soo qaadnay. Balse, waxaa la yaab ahayd markii odaygu nagu yiri, idinmaba garanayee sideen idiinku sheegaa?

Darawalkii ayaa yiri anigu, waxaan ahay nin reer Bari ah oo reer hebel ah, ninkan hadii aad BBC dhagaysan jirtay waa Cabdiraxmaan Koronto.

Odaygii ayaa isagoo dhoolla-cadaynaya yiri haa waan dhagaysan jiray waan garanayaa. Balse, maxaad u danaynaysaan? ayuu na waydiiyay.

Darwalkii ayaa ugu jawaabay Cabdiraxmaan, ayaa ka duulaya garoonka diyaradeed ee dhinaca Galmudug ku yaalla.

Markii aan goobtii gaarnay, ayuu noo tilmaamay meel carro la tuuray oo wadada lagu Gooyay.

Boorsooyinkii, ayaan la degnay, oo aan ka gudubnay carro-tuurkii, masaafo aan ka badnayn boqol mitir, ayaan lugaynay Ilaa aan ka gaarnay carro-tuur kale, oo lagu tilmaamay dhinaca Galmudug. Boqolka mitir ee u dhexeeya labada dhinac ganacsi ayaa ka socday.

Waxaa Halkaa igu sugayay darwalkii ii kaxayn lahaa garoonka diyaaradaha, oo markaa noo jiray ilaa 15 daqiiqo oo kale, oo la marayay waddo raf ah, oo aan laami lahayn.

Inta Koontarool ee aan soo marnay dhulka Puntland si sharaf leh, ayaan ku soo gudubnay, oo kalama kulmin wax qash-qashaad ah.

Ciidamadu si edeb leh, ayay u hubsanayeen cidda aan nahay, iyagoo mararka qaar noo sii furayay wadada kadib hakasho yar.

Waxyaabaha aan aadka ula yaabay, waxaa ka mid ahaa, dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan waddooyinka min Boosaaso Ilaa Gaalkacyo, maqaayadaha iyo biibitooyinka, waxaa horyaallay telefishinno ay daawanayeen dadwayne isugu jira dhalinyaro iyo dad waawayn.

Qaar ka mid ah Telefishinada Soomaaliyeed, waxaa ka socday waxyaabo kala duwan sida Riwaayado, aflaan Hindi ah, oo af-Soomaali lagu tarjumay iyo waliba telefishinada caalamka, oo cayaaro ay ka mid ahaayeen kuwa Horyaalka Yurub iyo kuwa Ingiriiskaba laga daawanayay.

Waa markaan is iri bulshada Soomaaliyeed, waxay u baahan tahay shaqo-abuur iyo jihayn loo adeegsan karo warbaahinta hadii la helo saxaafiyiin aqoon leh oo bulshada warbaahinta wax ku bari karta.

Ugu dambayntii, waxaa hubaal ah in amniga Puntland uu yahay mid dhab ah, oo casharro ay ka baran karaan deeganada iyo maamulada Soomaaliyeed ee ammaan-daraddu ay hadda ka jirto.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n