|

Weriye ku dhaawacmay qaraxii magaalada Baladweyn oo geeriyooday.

Muqdisho (Puntlandi) Weriye lagu magacaabo Cabdullaahi Cismaan Macallin, ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhaawac xoogan kasoo gaaray qarax nin isisoo miidaamiyay uu ka geystay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weriyahaan ayaa la sheegay inay bir ka gashay maskaxda, taasoo keentay in dalka gudahiiisa waxba looga qaban waaayay, isbitaalada Muqdisho kuyaalana ay sheegeen in dibada si degdeg ah loogu qaado.

Waxaa Allaha u Naxariistee waxaa uu ahaa weriye Jubaland ugasoo warami jiray gobolka Hiiraan.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed