|

Xafiiska howgalka Maraykanka ee Soomaaliya oo sheegay in la xalliyay cilado ku yimid dalbashada Barnaamijka Green Card Lottery.

Xafiiska howgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in la xaliyay cilado farsamo oo ku yimid dalbashada Barnaamijka baqtiyaa nasiibka ee la yiraahdo Green Card Lottery, kaasoo sanad walba kumanaan qof ah oo aduunka daafihiisa ku sugan ay ku tagaan dalka Maraykanka.

Qoraal kooban oo lagusoo qoray bogga Twitterka xafiiska howgalka Maraylanka ee Soomaaliya (US Mission in Somalia), ayaa lagu sheegay in markii hore sababo farsamo awgeed koo xiray mudada dalbashada Barnaamijka #DV2019 ee bilowday Oct 3.

Balse, xafiiska ayaa hadda ku wargeliyay shacabka in mudada cusub ee codsashada ay bilaabatay 18 bishii Octobar ayna ku eg tahay 22 bishaan November, saacadu markay tahay todobada fiidnimo waqtiga geeska Afrika.

Bakhtiyaanasiibka Green Card Lottery, waa mid si nasiib ah sanad walba ilaa konton kun oo qof oo bulshooyinka caalamka ah ay ku galaan dalka Mareykanka, kuwaas oo marka ay Mareykanka galaan xaq loo siiyo in ay shaqaysan karaan.

Bulshooyinka caalamka oo dhan ayaa dalbada, balse dadka qaar waxa ay u tahay fursad aan wax la siisto jirin.

Screanshot.

Written by Abdiwlei Mohamed Sheikh

 

You must be logged in to post a comment Login