|

Xagee marayaa ku dhawaaqista gollaha wasiiradda Puntland?

Warbaahinta Puntlandi oo ilgaar ah ku haysa wararka ku saabsan ku dhawaaqista golaha wasiiardda dowladda Puntland, ayaa wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno waxay sheegayaan in uu dib u dhac kooban ku yimid shaacinta liiska wasiiradda.

Madaxtooyada ayaa lagu waday inay galabta u yeerto warbaahinta qeybaheeda kala duwan si loogu shaaciyo liiska gollaha wasiiradda uu madaxweyne Gaas soo magacaaabay.

Balse, warar lagu kalsoon yahay oo ay Puntlandi heshay ayaa waxay sheegayaan in dib loo dhigayu yeeritaanka warbaahinta iyadoo ay weli socdaan kulamo siyaasadeed oo ka socda madaxtooyada.

Waxaa laga yaabaa inay dib u dhaco caawo iyo illaa iyo maalin berito

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login