|

Xaggee Ku Dambeeyay Nidaamka Axsaabta Ee Puntland?

Xukuumadda Puntland ayaa horay u balan qaaday inay hirgalinayso Nidaamka Axsaabta badan ee ku dhisan Dimuqraadiyada, kaasi oo dadka reer Puntland ay ku doonayeen inay kaga gudbaan Nidaamka wax qaybsiga Qabiilka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Nidaamka Axsaabta badan ay diyaariyeen balse dhaqaalihii lagu taageeri lahaa ee shaqada lagu wadi lahaa laga waayay Beesha caalamka.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inaysan garanayn sababta ay sidaasi u dhacday, balse ay go’aansadeen inay wadaan shaqada, ayna dhaqaale dawladu ku bixiso Barnaamijkan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in haddii uusan hirgalin Barnaamijkan ay keenayaan Nidaam Doorasho oo ka wannaagsan midkii horay Doorashooyinka loogu geli jiray.

Gaas ayaa sheegay haddii aan la gaarin 2019-ka qof iyo cod inay samaynayaan wax ka qurux badan sidii ay horay wax ugu dhici jireen.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login