|

Xaggee Marayaa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garowe?

Garoonkii 2-aad oo ay yeelanayso Puntland, ayaa bilaha soo socda xariga looga jarayaa magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, xilli garoonkii ugu horeeyay ee caalamiga ah oo Puntland ay yeelato horay looga hirgaliyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warsidaha Puntlandi oo u kuurgalay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa ogaaday in shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ay keentay daamurka lagu dhisayo dhabaha ay diyaaradu ku orodo.

Waxaa garoonka sido kale, la keenay Makiinada fulin doonta hawsha Daamurka, waxaana la filayaa in dhismaha garoonka laso afmeero illaa dhamaadka sanadka aan ku guda jirno ee 2017-ka.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe oo dhowaan dawlada Puntland ay galisay lacag gaaraysay Laba Milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar, ayaa si habsami leh u socda, waxaana bulshada reer Puntland ay dareemayaan inay hormar ka samaynayaan dhinaca Kaabayaasha dhaqaalaha.

Sanadka cusub ee 2018-ka, ayaa lagu wadaa in garoonka cusub ee magaalada Garowe uu si rasmi ah u shaqo bilaabo, isla markaana uu qayb ka noqdo garoomada caalamiga ah ee Puntland ay yeelatay.

Waxaa qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxay garoonka bixisay dawlada Kuwait, inkasta oo aysan bixin wajigii 2-aad ee dhaqaalaha ku baxay.

Si kastaba ha ahate, Xukuumadda Puntland ayaa horay u balan qaaday inay Puntland hormar balaaran ka samayn doonto dhinaca Kaabayaasha dhaqaalaha.

www.puntlandi.com.

Comments are closed