|

Xannuuno Ka Dilaacay Gobolada Nugaal, Cayn Iyo Sool Iyo Dad U Dhintay

Xannuuno ayaa ka dilaacay Gobolada Nugaal, Sool iyo Cayn, xilli Abaaro xooggan ay ka jiraan gobolada Puntland, isla markaana ay wali bulshadu u baahan tahay Gurmad.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in qoysas garaya 1,500 ay la ildaran yihiin Cudurka Shuban biyoodka, kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah.

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ayaa qodobada diirada lagu saaray uu ka mid ahaa xannuunada ka dilaacay Gobolada Nugaal, Cayn iyo Sool.

”Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ku dheeraaday sidii loo laba jibaari lahaa u Gurmashada dadka shiuban biyoodka laso daatay ee degmooyinka Buuhoodle, Gol-jano, Xamar lagu Xidh, Dan-dan, Bari-fufiye, Docmo iyo Buurtinle, oo ay ku dhinteen illaa 54 qof, isla markaana ay khatar ugu jiraan 1,500 oo qoys, oo la ildaran xaaladaha shuban biyoodka ee Abaaruhu sabababeen” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kaso baxay Golaha Xukuumadda Puntland.

Arrintan ayaa kuso beegmaysa xilli 16 Carruur ah ay cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

www.puntlandi.com.

Comments are closed