|

Xarunta Cilmi-Baarista geeska Africa iyo Jaamacadda Bariga Africa oo heshiis wada saxiixday

Xarunta Cilmi-Baarista Ee Geeska Africa iyo Jaamacadda Bariga Africa ayaa maanta Xafiiska guddoomiyaha jaamacdda ku Saxiixday Heshiis Iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya.

Heshiiskaas is-kaashi ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada: Cilmi-baarista,waxbarashada,Dhaqanka,Technology-yada IWM.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Dr.C.Fitaax Nuur Ashkir ayaa tilmaamay in Iskaashigaan uu ka caawin doono labada dhinacba in ay hormariyaan Cilmi-baarista,tayana u yeelan Waxbarashada iyo agoonta.

Wuxuu Wasiir Ashkir Ku tiraabay ” Waa tilaabo horay loo qaaday in Xarumaha waxbarashadu bilaaban in ay iska kaashadaan dhinacyada Cilmi-baarista Iyo taageeridda Aqoonta”.

Liibaan Axmed Shire oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Ee geeska Africa ayaa tilmaamay in heshiiskaan uu ka caawin doono labada hay’adood kor-u-qaadidda Cilmi-baarista Iyo Horumarinta bulshada.

Waxaa asaguna sidoo kale uu tilmaamay Aadam Sheekhdoon Cali oo ah Guddoomiyaha jaamacdda geeska Africa in heshiiskaan uu qayb ka yahay heshiisyo jaamacaddu la galashay Xarumo Cilmi-baaris si ay u kobciso Aqoonta Ardayda Jaamacadda dhinacyada Cilmi-baarista Iyo xoojinta iskaashiyada dhinacyada Aqoonta.

Puntlandi.com

Comments are closed