abaaraha
|

Xeer ilaaliye Maxamed Xareed,” Waxaanu cadeymo u haynaa in Universaltv uu dambiyo waa-weyn ka galay xukuumada Puntland iyo shacabkeeda.

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa maanta oo isniin ah maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal kusoo bandhigay eedeymo ku saabsan  dambiyadii Universaltv uu ka galay xukuumada iyo shacabka Puntland.

Maxamed Xareed Faarax ayaa ku eedeeyay Universaltv inuu sii daayay muuqaallo xambaarsan, Iska horkeenid dowladda Puntland iyo shacabkeeda, qalqal galinta ammaanka deegaamada Puntland iyo Warar been abuur ah oo laga faafiyay dowladda Puntland.

Kiiska maxkamada ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta berito, sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu wuxuuna intaas ku daray inay soo bandhigidoonaan dhammaan cadeymaha muujinaya dambiyada lagu haysto Universal tv.

Dowladda Puntland ayaa dhawaan albaabada ulaabtay xafiiska Universaltv ee Puntalnd, kadib markii talefeshinkaas lagasii daayay barnaamijyo loogu gafayo Puntland iyo shacabkeeda.

 

Comments are closed