|

Xildhibaan Cabdiweli Qanyare : – ” Koox aan cidi dooran oo Argagixiso Al-Shabaab ah ayey taladii wadanku u gacan gashay “


Xildhibaan Cabdiweli Qanyare

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax oo ah xubin ka mid ah gudiga difaaca ee Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ayaa sheegay in taladii dalka ay la wareegeen Kooxo Agagxiso Alshabaab ah oo aaney Shacbiga Somaaliyeed dooran.

Mudane Xildhibaan Cabdiweli Qanyare oo qoraal kooban soo dhigay barta kuu leeyahay Baraha Bulshada ee Twitterka,ayaa ku soo bandhigay, oo adeegsaday eryadan, oo uu ku sifeeyey kooxda Villa Somalia ka arimisa : ” Furuq haddu yimaado, Waraabow waa fara leef “

Abdiweli Qanyare : ” Unelected Political Alshababis are in charge at Villa Somalia , they Create Political chaos at the Somali regional states. They misuse Funds “

Xildhibaan Qanyare ayaa ka dhawaajiyey dareenka welwelka leh ee shacbiga soomaaliyeed ka aamisan yihiin khatarta siyaasadeed iyo mida amni ee ka iman karta Kooxada ka talisa Villa Somaalia ee uu madaxda u yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin oo lagu xiriiriyo inuu gacansaar la leeyahay kooxaha argagxisada ah ee ka dagaalma somaaliya iyo Dawlada Qatar oo fargalin xoogle ku haysa siyaasada murugsan ee Somaaliya

Comments are closed