|

Xildhibaan Cabdulqadir Xaashi oo u Hambalyey Shacbiga Puntland, Kuwii kale ee magaca Puntland ku Maaxfsan jiray mid lagma hayo


Xildhibaan Cabdulqadir Xaashi

Happy 19th Puntland. Sagaal iyo toban sano oo horumar iyo nabad isa soo taraysey ayaa inoo dhamaatay.

Waxaan dhammaan shacabka Puntland u rajeynayaa horumar dhaqaale, midnimo, iyo nabad waarta. Puntland waxay ku tilaabsatay 19 kii sano oo la soo dhaafay horumar dhinac walba ah oo aan la inkiri karin.

Waxaan ku bogaadinayaa shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed ee isu dhiidhiibayey maamulka Puntland doorka ay ka gashay, ugana jirto dib u yagleelidda qaranimadii hakadku galay ee dalka.

Waxaan ku kalsoonahay in Puntland weligeed ka shaqayn doonto sii xoojinta dawladnimada soomaaliya iyo ilaalinteeda.

Sannadguuro wanaagsan meel kasta oo aad joogtaan.

You must be logged in to post a comment Login