|

Xildhibaanada gollaha degaanka Garowe oo maanta diiwaan galinaya khasaarihii ka dhashay Dabkii ka kacay Garowe.

Garowe (Puntlandi) Xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Garowe ayaa maanta kormeerkii ugu horeeyay ku tagay goobtii uu ka kacay Dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee 30-kii bishii hore ka kacay goob shidaalka lagu iibin jiray.

Dabkaas oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii ugu dambeeyay ka kaca Garowe, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baxaad leh

Xildhibaanadu waxay halkaas ka wadaan diiwaan galinta khasaarihii nafeed iyo kii hantiyeed ee ka dhashay Dabka, iyagoo wareysiyo la yeelanaya ehelada dadkii dhintay iyo dadkii iskalahaa xarumaha ganacsiga ee goobta ku gubtay.

Waxaa kormeerku qorshihiisu yahay sidii loogu gurman lahaa dadkii dhibaatadu gaartay. Waxaa kaloo qeyb ka ah in golaha degaanku uu diiwaan galiyo xarumaha Shidaalka lagu iibiyo ee kuyaala Garowe, si go’aan cad looga qaato xaruntii loo arko inay qatar ku tahay amniga shacabka

 

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login