abaaraha
|

Xog Hoose : – Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo soo wada Dawlad dhinac ka raran iyo Puntland,Jubbaland iyo Abgaal oo cirka loo tuuray

Wararka Diblomasi ee ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu soo dhameystiray dhismaha xukuumadiisa cusub oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Ilo warbaahineed oo aad ugu dhow xafiiska Raisal Wasaaraha ayaa laga soo xigtay in isu dheeli tir la’aan aad u weyn oo ku saleeysan qaabka wax qeybsiga ee beelaha Somaaliyeed iyo Maamul goboladadu uu ka muuqdo shaxda golaha wasiirada ee uu soo wado Mudane Xasan Cali Kheyr.

Raisal Wasaaraha ayaa la sheegay in uu wasaaradaha waaweyn ee saameynta ku leh siyaasada iyo hurmarinta dalka uu ka ilaaliyey maamulada dalka iyo Beelaha qaarkood oo u muuqda in aanu kalsooni siyaasadeed ku qabin.

Xogta xukumada ayaa tilmaamaysa sidan :-

Raisal Wasaare ku-Xigeen Hirshabeele

Wasiirka Maaliyada: Somaliland/ Gudobuursi

Wasiirka Arimaha Dibada : Maamulka Koonfur Galbeed

Wasiirka Arimaha gudaha : Habargidir, wasaaradan oo loolan aad u xoogan ay ugu jireen beesha Habargidir oo mudo 13 sano ah dhaxal u haystay iyo beesha abgaal ayaa Raisal wasaare Kheyre doortay inuu cirka u tuuro beesha Abgaal.

Wasaarada Gashaandhiga Muqdisho : Puntland,Wasaaradan magac u yaalka ah ayaa lagu gufeeyey Puntlandta cadhada qabta ee la iska fogeeyo, Wasiirka Gaashandhiga ee reer Puntland ayaa shaqadiisa kowaad noqon doontaa in uu mushahar u raadiyo Maleeshiyoonka gadoodsan ee Beelaha Muqdisho.

Wasaarada Aminga Muqdisho : Jubbaland, Wasaaradan oo ah mid magac u yaal ah oo laga soo jaray wasaarada buuran ee Arimaha Gudaha.
Wasiirka reer Jubbaland ee Aminga ayaa shaqadiisa kowaad noqon doontaa ka hortaga Qaraxyada ujeedadaa badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradaha mihiimka ah ee Waxbarshada,dibu-dhiska dalka iyo Kheyraadka ayaa noqon doona kuwa dhinac ka raran.

You must be logged in to post a comment Login