|

Xog Rasmi ah— Sheikh Shariif iyo Odoyaasha Beesha Hawiye oo Madaxweyne Xasan ku cadaadinaya inuu Raysal wasaare ka dhigo nin aan reer Puntland ahayn

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo adeegsanaya magac qabiil, tageerana ka helaya Odoyaasha beesha hawiye ay cadaadis xoogan dul dhigeen Madaxweynaha hadda la doortey Xasan Sh. Maxamuud, iyagoo ku cadaadinaya inuu Raysal wasaraha kasoo dhigo nin aan reer Puntland ahayn.

Kulan dhex maray koox Shariif Shiikh Axmed ka mid yahay iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Madaxweynaha loo gudbiyey talooyin beeleed, waxayna Shariif Sheikh Axmed iyo Odoyaasha beesha hawiye, Madaxweynaha  si cad ugu sheegeen in aanuu soo magacaabin Raysal wasaare Reer Puntland ah iyo nin  ka soo jeeda beelaha Puntland guud ahaanba.

Wararkaan oo aan helney oo rasmi ah waxaa la sheegey in Madaxweynaha loogu hanjabey in hadduusan taladaan qaadan in ay odayaasha beelaha hawiye kalsoonida kala noqonayaan Dowladda, isla markaana khalkhal siyaasadeed ay galayso xukuumadiisu.

Muxuu hadalkaas iyo Taladaas ka yiri Madaxweynuhu:

Sida ay sheegeyso xogta soo gaadhay shabakdan Puntlandi, Madaxweynaha cusub wuxuu qaatay taladii odayaasha beelaha Hawiye, waxaanu kala xulusho ka dhex wadaa, ashqaas ka soo jeeda beesha Daarood,oo cadaawad u qaba beelaha Puntland iyo nidaamka Federalka ah

Waxay hadda arintu u muuqataa in Madaxweynuhu uu ilaaway inuu madaxweyne u yahay dadka soomaliyeed ayna doorteen beelaha soomaliyeed oo dhan, lakiin nasiib xumo madaxweyne Xasan Sheekh waxuu qaaday jidkii hore loogu soo haligmay ee ahaa qabyaalada iyo ku shaqeynteeda, ka dib markuu u dhago nuglaaday talooyinka jar iska xoornimada ah ee ay soo gudbiyeen kooxaha ku qaraabta magaca beelaha Hawiye, iyo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif .

 

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu noqonaya madaxweynihii 5aad ee ka soo jeeda beesha hawiye ee madax ka noqda dalka Somalia mudo ku siman 21 sano,

Waxaa kaloo xusid mudan inuu noqonayo madxweynihii ugu horeeyay lagu doorto magaalada muqdisho oo ay ka maqan yahiin dhamaan shacabkii deganaan jiray ee ka soo jeeday beelaha somaliyeed marka laga reebo beshiisa kaliya ee hawiye. Waxaa weli magaalada muqdisho ka muuqda colaadii iyo burburkii ay umadda somaliyeed uga qaxday 20 sano ka hor.

Waxaa wax lala yaaba ahayd in madaxweyne Xasan u qudbadiisa ugu horreysay uu si qiiro leh ugu damqaday waxyeeladii soo gaartay beelaha soomaliland waqtigii xukuumaddii Max’ed Siyad Barre, isagoo qiirada iyo niyad wanaag uu u hayo somaliland ay la gashay inuu ballan qaado in manaahijta dugsiyada waxbarashada lagu qori doono tacadigii loo gaystay dadkaas, halka nasiib darro uu madaxweynahu iloowsan yahay inuu tacsi iyo cudurdaar ka baxiyo dilkii, kufsigii, boobki iyo barakacintii beesha hawiye ay u geesatay beelaha somaliyeed qaasatan beelaha darood ee dega gobolada Puntand, Banadir iyo goboloda Jubbooyinka.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha qudbadiisa ka maqnaa inuu garowsiiyo ka bixiyo xasuuqa iyo barakicinta ay hadda Somaliland ku wado shacabka dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in madaxweynaha iyo beeshiisu ay u ooman yihiin burbur hor leh iyo cadaawad, barnaamijkooda siyaasadeedna uu yahay oo kaliya madaxweyne hawiyaa iska leh, caasimada unukaa iska leh, hantidii dadka iyo dalka ma bixnayno, gargaarka caalamka muqdisho kaliya halagu cuno, xukunka dalkana anagaa qaybinayna, umadda somaaliyeedna waa marti iyo magan fool xun, isla markaana waxay meel iska dhigeen, iyagoo haya xilalka ugu sareeya ee qaranka  inay raadiyaan midnimo iyo walaalnimo dib la isugu keeno umaddii soomaliyeed ee ay iyagu nabaddii iyo deganaasho u dideen muddo 20 sano ka badan.

Xafiiska Muqdisho

Comments are closed