abaaraha
|

Xog rasmi ah:-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland iyo Saddex ku xigeenadiisa ah oo la Magacaabey.

iyado la fulinayo Xeer Madaxweyne LR.92 (,) Waxaa Taliyaha Rasmiga ah ee Ciidamada Booliska Puntland lo magacaabey S/guuto C/qaadir Shire Faarax ERAG oo horay u ahaa ku sii simahii Taliska Booliska Puntland.

Sidoo kale,G/sare Bile Faarax Cali oo in badan ka so shaqaynayay Booliska Puntland ayaa lo magacaabey Taliye ku xigeenka Booliska Puntland,Halka taliyihii hore ee qaybta Booliska Gobalka Mudug G/sare C/laahi Shire Dool lo magacaabey Taliye ku xigeenka Labaad ee Booliska Puntland

Dhinaca kale G/sare Jaamac Saxardiid Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Puntland ayaa isna lo magacaabey Taliye ku xigeenka Saddaxaad ee Booliska Puntland.

Nuqul ka mid Waraaqda lagu magacaabay Taliyaasha Ciidamada Booliska Puntland¬† oo ay heshay Puntlandi ayaa lagu yiri “Waa in dhamaan Fadhiyada Ciidanka Booliska Puntland waxaa lagu wer-galinayaa in ay qaatan Awaamiirta Saraakiisha la so magaabey,Gacan buuxdana ku siiyan Shaqadooda”.

Ugu Danbayntii Magacaabistan Taliyaasha Ciidamada ayaa ku so beegmaysa iyadoo si weyn lo adkeeyay Amaanka Puntland oo sharwadayaashii joogay laga sifiiyay kadib Howl-galadii ay fuliyeen Ciidamada Nabad-galyada Puntland.

Comments are closed