abaaraha
|

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingriiska oo maanta Muqdisho kula kulmay madaxda Maamulada Dalka,kuna martiqaaday Shirka London ee bisha May

Xoghayaha Amuuraha Dibada ee dalka Ingriiska Boris Johnson oo maanta booqasho aan hore loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa halkaa kula kulmay madaxda maamul goboleedada dalka .
Kulankaas oo ka dhacay Xarunta Xalane ayaa waxaa goob joog ka ahaa M/weynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe,midka HirShabeele Cali Cabdullaahi Cosoble iyo M/weynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shariif Aden.

Mudadii uu kulankaasi socday ayaa diirada lagu saaray xaalada qalfsan ee Abaaraha dalka ka jira iyo u diyaar garowga shirweeyne caalamiya oo looga hadlaayo amaanka Somaaliya oo Dalka Ingriisku martigelin doono,kaas oo bisha May ee sannadka lagu qaban doono Magaalada London.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingriiska Borin Johnson ayaa madaxda Maamul goboleedada Soomaliyeed si rasmi ah ugu marti qaaday in ay shirkaasi ka soo qeyb galaan

You must be logged in to post a comment Login