Xukamaddii RW Gaas oo soo dhoweeysay doorashadii Madaxweynaha JFS, Canbaareysana Qaraxii shalay
Golaha wasiirrada xukuumadda hore ee federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha ee bishan 10-keeda lagu qabtay magaalada Muqdisho.Golaha wasiirrada ayaa maanta shir uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuu soo dhoweeyay qaabkii ay u dhacday doorashada madaxweynaha, soo af-jaridda xilliga ku-meelgaarka, isagoo u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay dhammeystirka marxaladdii kala guurka aheyd.
Wasiir warfaafinta, Cabdiqaadir Xuseen Jaahweyn oo shirka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirka golaha wasiirrada lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay hoteelka Jasiira oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku hayay shir jaraa’id.
Wasiirka ayaa tilmaamay inuu golaha wasiirrada u soo jeediyay ciidamada ammaanka inay xoojiyaan ammaanka muddada xilalka lagu kala wareegayo.
Jaahweyn ayaa sheegay in golaha wasiirrada uu isku raacay dardargelinta xil wareejinta hay’adaha dowladda.
Waa kulankii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada uu yeesho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

