|

YAAB : – Aabe Somaaliyeed oo ahaa Captain Qaxooti ah, 8 Caruur ahna ku korsada London, oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka


Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xogga Dalka Captain Cabdiweli Jamac Gorod

Golaha Wasiirada ee Dawlada Federalka Somaaliyeed ayaa maalintii shalay u magacowbay Saddex Xidigle Cabdiweli Jamac (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markaa uu xilkaa iska casilay Taliyihii hore ee Ciidanka Xogga Dalka General Axmed Jimcaale ( Cirfiid )

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xogga Saddex Xiddigle ( Kabtan) Cabdiweli Jamac Gorad ayaa ah Aabe Somaaliyeed oo Qaxooti ah isla markaan 8 caruur ku korsada magaalada London ee cariga Ingriiska.

Ex-Kabtan Cabdiweli Jamac Garaad ayaa hore u ahaa sarkaal ku tuula Diyaaradahii Dagaalka ee Ciidankii hore ee Xogga Dalka Somaaliyeed.

Magacaabista Siyaasadeed ee Kabtan Gorod oo ka soo jeeda Beesha Sacad-Habargidir ee Galmudug ayaa u muuqta mid Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayo inuu isaga khafiifiyo culeyska Siyaasadeed iyo Xurgufta u dhaxeysa maamulkiisa iyo midka maamulka Galmudug.

Isku soo wada duubo Somaaliya ayaa noqotay dalka kaliya ee caalamka ah ee Qurbajoog Passport shisheeye wataa isugu habarwacdeen,lana wareegeen taladiisa, iyadoo hadda uu xaalku marayo in xitaa saraakiisha Ciidamada sidii Bariiska iyo Baastada banaanka ( Qurbaha)laga soo waarido (dejiyo)

You must be logged in to post a comment Login