|

Yemen: Tahriibaal u badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo lagu daadiyay xeebaha Yemen.

Hay’adda la socodka muhaajiriinta ee IOM, ayaa shaacisay qiyaastii in ka badan 50 tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan in si ula kac ah loogu baadiyay badda, subaxnimadii arbacadii ee shalay, falkaasna waxaa ka dambeeyay koox dadkaan tahriibanaysay.

Doonida ay la socdeen tahriibayaashaan ayaa waxay siday 120 qof, waxaana si khasab ah looga tuuray tirada kontonka, kadib markii doonida culays ku yimid.

Hay’adda IOM waxay sheegtay inay shaqaalaheedu heleen maydka 29 kamid ah dadkaan, kuwaas oo lagu aasay qabuure kuyaala gobolka Shabwa ee dalka Yenen, halka 22 kalena lala yahay, sida lagasoo xigtay dadkii masiibadaan ka badbaaday.

Dhammaan dadkani waxay ahaayeen dhalinyaro da’oodu u dhaxayso 16 jir, sida uu sheegay afhayeen u hadlay IOM. oo la yiraahdo Olivia Headon.

Puntlandi.com

Comments are closed