Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu baaqay beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan wakiiladooda, unasoo gudbiyaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha barlamaanka Puntland , guddigaas oo dhawaan xeer gaar ah lagusoo magacaabidoono.
Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay beelaha inay dhexdooda ku xaliyaan wixii khilaafaad ah oo ka taagan xulida wakiilada u matalaya barlamaanka Puntland ee soo socda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo saaray jadwalka doorashada madaxtooyada iyo barlamaanka iyo kalfadhiga ugu horeeya uu yeelandoona barlamaanka soo socda.
Halkaan hoose ka akhriso.
