Kooxo Baastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Muqdisho goor dhawayd ku dilay Cabdi Maxamed Culusow oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya .
Sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho gaar ahaan saldhiga Booliska ee degmada .
Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday , waxaana goota uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya .
Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada dilka sarkaalkan .