Ergo nabad raadin ah oo uu hoggaaminayo Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baalle ayaa gaaray Degmada Gallaadi, oo ay ka jirto dhiilo colaadeed u dhaxaysa Qabaa’ilo Soomaaliya oo wada dega halkas.
Dhawanahan waxaa dhiilo colaadeed iyo dilal kala duwani ay ka dhaceen deegaano hoos taga Degamada Gallaadi oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida. Dhiilada colaada iyo dilalka ayaa u dhexeya Beelo -Ood iyo dhaqan wadaaga oo wada dega Gobolka Doollo.
Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baalle, iyo wafuud uu hoggaaminayo ayaa gaaray Gobolka Doollo ee Dawlad deegaanka Soomaalida.
Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan oo kasoo kicitimay Gaalkacayo, ayaa Galabnimadii shalay 14 / 02/2019 Gaaray Degamada Gallaadi oo ka tirsan Wardheer, Socdaalka Suldaanka ayaa ah mid Nabadeed, oo ku wajahan (Colaado) kasoo cusbboonaaday Ardaayada wada dega Koonfur bari ee Gobolka Doollo.
Ergo Nabadeedkaan Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali uu hoggaaminayo, ayaa gaari doona deegaanada sansanta colaadeedku ay ka jiro oo ah Santarada, Yumaarugley Bali haraale Baal,guray iyo Isgooys, oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Suldaanka ayaa socdaalkiisa ka hor Baaq Nabadeed u jeediyey Beelaha Walaalaha ee –Oodwadaaga kuwaasoo kasoo kala jeeda Caabidwaaq iyo Qalloocan, isagoo sheegay in la xakammeeyo wax kasta oo dhibaato iyo colaad keeni kara.
Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Doollo ayaa aad uga war sugaya Socdaalka Suldaanka si loo xaliyo xassaradaha kasoo cusbboonaaday Gobolka Doollo ee ku saleysan Aar-goosiga & Aannooyinka Qabiilka ee Soomaalidu caanka ku tahay meelay degaaba.
Dhacdooyinkan kasoo cusbboonaaday Gobolka Doollo ayaa keenay kadib markii Dilal iyo aar-goosi uu ka dhacay deegaanka Bali Haraale Baal-goray Goldogob iyo Gallaadi oo dhammaantood isku ujeeddo aha.
Ciidamada Bileyska ee Dawlad deegaanka ayaa gaaray maalmo ka hor Santarada Baliharaale Iskgoys Yamaarugley , Baal-goray si ay u kala ilaaliyaan Dadka Xoola dhaqatada ee Hubka isku haysta.
Ugu dambeyntiina waxaa la filaya inay kubiiri doonan Ergooyin kale oo Nabad raadin ah si loo xaliyo colaada laga abaabulayo deegaanada aan kor kusoo xusnay.
Goob joogayaal aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in isbaaabul iyo dhiilo colaadeed ay ka jirto dhulka miyiga ee hoos taga Gallaadi dhankeeda Koonfured..
Nabad ayaa naas la nuuga leh xasiloonidu waa furaha nolosha Aadamiga miyi iyo magaalaba.
Cabdinuur Faarax Maxamuud.