Gudomiyaha golaha deegaanka degmada Jariiban Maxamuud Maxamed Maxamuud Muufo ayaa ka hadlay dhowr Caqabadood oo ka hor yimid intii ay ku guda jireen qaadista Canshuurta degmada Jariiban oo dib loo kiciyey muddo 3 Sanno ah oo ay fadhiid ahayd.
Dhankale Gudoomiyaha degmada Jariiban ayaa sheegay in dawlada Puntland laga doonayo in ay daadajiso maamulka dowladda isla markaana wasaaraduhu ay xafiisyo ka furtaan degmada.