|

DEG-DEG:- (SAWIRRO) Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland.

Garowe (Puntlandi) Taliyaha ciidanka difaaca Puntland, General Siciid Maxamed Xisi (Siciid Dheere), ayaa maanta oo axad ah ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland ee 2019, kadib markii uu goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Garowe.

General Siciid Dheere, ayaa sheegay inuu xilkaan isugusoo taagay kadib markii uu talo soo jeedin ka helay shacabka reer Puntland islamarkaana uu eegay daruufaha siyaasadeed iyo midka difaaca ee ka jira Puntland gudaheeda.

Taliyuhu wuxuu sheegay inuu muddo dheer halgan ugusoo jiray ka shaqaynta difaaca guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, hadana uu istaagay dhinaca hogaaminta dowladda Puntland, si uu uga miro dhaliyo halku dhigiisa ah, difaaca dalka, Diinta iyo Dadka.

Siciid Dheere ayaa dhinaca kale sheegay inuusan iska casilin xilkiisa taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, balse uu madaxweynuhu u madax bannaan yahay go’aankiisa, wuxuuna beeniyay inuu wado qorshe uu isku casilayo.

DAAWO MUUQAALKA.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login