|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Hooyo Khadiijo Muse Islaan oo maanta ku geeriyootay magaalada Garoowe

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Arbaco 30.05.2018 ku geeriyootay magaalada Garoowe Marxuumad/ Hooyo Khadiijo Muse Islaan Aden .

Anaggoo ka tiiraanyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyo Khadiijo Muse Islaan waxaanu halkan tacsi uga direynaa dhamaan qoyska Reer Cabdiweli Sheekh Maxamed-Bashiir( Reer Buubiye) iyo dhamaan qoyska reer Muse Islaan Aden geeridaa ku timid Marxuumada Khadiijo Muse. Waxaanuna Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumadna Ilaahay waxaanu uga baryeynaa dembi dhaaf, naxariis iyo in uu Allaah Janadii Fardousa guri uga yeelo.

Maamulka iyo Hawlwadeenadana Shabakda Puntlandi waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan dhamaan Qoyska reer Buubiye geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyadood Eedo Khadiijo Muse Islaan Aden

You must be logged in to post a comment Login