|

(SAWIRRO) Ciidanka badda Puntland oo saldhig milatari ka dhisanaya Calmadow.

Ciidanka badda Puntland gaar ahaan unugooda la dagaalanka argigixisada, ayaa saldhig milatari ka dhisanaya degaanka buuraha Calmadow, halkaas oo ay horey ugu lahaayeen fariisimo laga maamulo howlgallada ka dhan ah argigxisada.

Saldhigaan cusub oo dhawaan dhismihiisa uu bilowday ayaa loogu talo galay sare u qaadidda iyo xoojinta dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabab ee ku dhuumanaya buuraha Calmadow, si looga hortago weeraro kasta oo ay kasoo abaabulaan aagaas.

Saraakiil katirsan ciidanka badda Puntland, ayaa sheegay saldhigaan milatari inuu ahaandoono saldhiga ugu weyn ee lagala dagaalamidoono argigixisada ku jirta buuraha.

Waxaa kaloo saldhigaan lagala socondoonaa dhaqdhaqaaqyada kooxaha argigixisada, isagoo ay ka howlgalidoonaan ciidamo leh tababar sare.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login