|

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayay oo lagusoo dhoweeyay Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo ciidamo uu horkacayo ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kasoo laabtay magaalada Buuhoodle.

Ciidamadan uu watay madaxweyne ku xigeenku, ayaa ah ciidamo gobolka Cayn ka yimid oo ka qeyb qaadanaya howlgalka xoraynta gobolka Sool, waxaana dowladdu ku dhawaaqday in la qaramayndoono ciidamadaan lagana dhigidoono ciidamo dowladdeed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbaahinta la hadlaya kana warbixinaya safarkiisii Buuhoodle iyo waxyaalihii uu kalasoo kulmay kulamadii uu lasoo qaatay bulshada Cayn.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login