|

DHEGAYSO:-Guddiga difaaca Puntland oo ka digay lacago dowladda federalka jeebka ugu shubtay Muuse Biixi.

Guddiga difaaca Puntland ayaa ka digay lacago dowladda federalka jeebka ugu shubtay madaxweynaha maamulka Hargeysa Muuse Biixi, waxayna sheegeen wixii ka yimaada inay masuuliyadooda qaadidoonaan madaxda dowladda federalka.

Guddiga difaacu waxay sheegeen in dowladda federalku ay si toos ah ugu biirtay colaada ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland islamarkaana ay garabsiinayso Muuse Biixi oo colaad iyo abaabul dagaal ka wada gobolka Sool, si uu u wiiqo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo katirsan guddiga difaaca Puntland, ayaa sheegay dowladda federalku inay hal dhinac u weecisay dhaqaalihii loogu talo galay dadka dufaanadu saameeyeen ayna isku koobtay maamulka Hargeysa oo kaliya, kadib markii lacag hal milyan oo dollar ay ugu deeqday maamulka Hargeysa.

Halkaan ka dhegayso codka guddiga.

      Codka Gudiga Difaaca Puntland

Puntlandi.com

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login