|

Duqayn Diyaaradeed Oo ka dhacday Degmada Jilib iyo Tirada dhimadasha Malayshiyada Al-shabaab iyo Hor-joogayaashooda Oo kor udhaaftay 20 qof

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ee Gobolka Shabeelaha dhex ayaa sheegaya in Diyaaradaha aanay cidina wadin ay duqeeyeen  laba goobood oo ay ku sugnaayeen Malayshiyaadka kooxda Al-shabaab iyo Horjoogayaashooda.

Duqaymaha ayaa dhacay labo xili , duqaynta kowaad ayaa ka dhacday  guriga martida ee degmada Jilib ee Al-shabaab oo ay xiligaas wada joogeen Horjoogayaal ka shirsanaa khilaafka soo kala dhaxegalay kooxda kadib markii uu maalintii Isniinta ahayd uu geriyoday  Hogaamiyihii kooxda Axmed Diiriye oo loo yaqaanay Abuu cubayda.

Duaqaynta labaad ayaa ka dhacday sida uu xogta ku helayo Warsidaha Puntlandi.com guri uu Jilib ka daganaa Horjooge Bashiir qoor gaab waxaana ka soo gaaray dhaawac halisha ,iyadoona loola cararay meel qiyaasti Degmada dhowr iyo toban kmtr ujirta.

khasaaraha Weerarkan ka dhashay ayaa lasheegay in dhimashada kooda ay gaarayso 19 Malayshiyo ah oo ay kujiraan qaar kamid ah Horjoogayaasha Al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 25 kamid ah kooxda Al-shabaab.

Duqaynta ayaa dhacdaya saaka waabarigii ilaa iyo hadana ma jirto wax faa faahin ah oo ay dowladda Soomalaiya Weerarkan ay ka bixisay.

 

 

Comments are closed