|

Madaxweyne Salva Kiir Oo Heshiis Xabad Joojin ah la galay Mucaaradka dalkaasi

Dowladda Koofurta Sudan oo uu hogaamiyo Madaxweyne Salva Kiir ayaa heshiis xabad joojin ah maanta lasaxiixday Hogaamiyaha Mucaaradka dalkaasi Riek Machar.

Heshiiskan ayaa lashegay in uu dhaqan galayo 72 saacadood kadib sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Sudan Al-Dirdiri Mohamed Ahmed.

Goobta ay Heshiiskan ku kala saxiixdeen labadan nin ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dalka Sudan Omar Al-Bashiir .

Heshiiskan ayaa waxaa suurta galiyay in uu dhaco oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay Madaxda dalalka Bariga Afrika IGAD , iyo Midowga Yurub , taas oo soo afjaraysa colaadii ka taagneed dalkaasi oo ay ku bara kaceen dad aad ufarabadan.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Adis-Ababa shir deg deg ah isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD .

Tan iyo mudadii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaasi Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay Tobonan kun oo qof.

You must be logged in to post a comment Login