BRESKING NEWS:- Ciidamada xoraynta gobolka Sool oo howlgal ka fuliyay gudaha Laascaano.
Ciidamada Puntland ee xoraynta gobolka Sool, ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorshaysan ka fuliyay gudaha magaalada Laascaano, iyagoo weeraray mid kamid ah saldhigyada maamulka Hargeysa ku leeyahay Laascaano, kaasoo shacabka lagu dhibaateeyo.
Waa markii labaad oo ciidamadu ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen magaalada Laascaano mudo maalmo gudaheed ah, waxayna kusoo aadaysaa iyadoo maamulka Hargeysa ay soo food saartay cabsi aad u xoogan oo ay ka qabaan kacdoonka kaga bilowday gobolka Sool.
Lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalkan, inkastoo wararka aanu helayno ay sheegayaan in ciidamadu xoraynta ay gudaha u galeen saldhiga ciidanka Hargeysa ku sugnaayeen.
Dad ku sugan Laascaano ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in xaaladu magaalada ay haatan caadi tahay islamarkaana shacabku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah oo ay ka qabaan in ciidanka lagusoo daad gureeyay Laascaano ay dhibaato ugeystaan dadka shacabka ah.
Puntlandi.com
