|

XOG–Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka oo aragtiyo kala Duwan ka qaba Abaabulka Tukaraq

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Muran u dhexeeya Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxtooyada Puntland uu jiro murankasoo ku aadan Dagaalka Tukaraq.

Sida ay Puntlandi Xogta ku hayaan waxaa Saraakiisha horey Amar loogu siiyey iney isu diyaariyaan Dagaal balse aysan Xabad ridin ilaa ay Amar ka helayaan Madaxtooyada.

Sargaal ka tirsan Ciidanka ayaa Puntlandi u sheegay in Uu jiro muran hada u dhexeeya Madaxtooyada iyo Saraakiisha sarsare murankasoo yimid ka dib markii Saraakiishu ay Madaxtooyada u sheegeen in Ciidamada Qaarkood ay dib ugu celinayaan Xeryohoodii maadaama ay hada wakhti dheer joogeen Deegaanada Tukaraq, Mar hadeysana howlgal aysan fulineyn aysan jirinna sabab ay usii joogaan.

Sida uu sargaalku noo sheegay Madaxtooyadu wali kama aysan soo jawaabin codsiga Saraakiisha.

Waxaa iyana jira warar hoose oo sheegaya in ay si hoose u socdaan Wadahadal u dhexeeya Soomaaliland iyo Puntland waana tan keenyay in Saraakiishu ay Madaxtooyada ku cadaadoyaan in Ciidamadavqaarkood lagu celiyo Xeryohoodii maadaama meelaha ay ka yimaadeenba ay ka jirto baahi amaan.

Mdxweyne Gaas wuxuu isna dhowaan safar shaqo u aadi donaa Yurub.

Degaanka Tukaraq waxaa hada ku sugan Ciidan aad u tiro badan oo qalabeysan kuwasoo 24-ka saac heegan ku jira,

Puntlandi
Garowe

You must be logged in to post a comment Login