|

BREAKING NEWS–Faahfaahin weerar ikuday ah oo lagu qaadey Villa Soomaaliya, Qarxo iyo Rasaaas



Gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa ciidanku rasaas ooda uga qaadeen kadibna Gaariga oo ay qaraxyo ka buuxeen ayaa ku qarxay goobtii.

Falka ayaa wuxuu ka dhacay meel aan ka fogayn Villa Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in weerararku uu ku wajahnaa Villa Soomaaliya.

Gaariga ayaa isku dayay inuu xoog ku dhaafo jidgooyo Ciidan, waxaana qarixii gaariga kadib rasaas bilaabay gaari kale oo daba socdey gaariga qarxay.

Askarta iyo kooxda weerarka soo qaadayba waxaa soo gaaray khasaaro nafeed laakiin ilaa hada lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarka.

Gabi ahaan aaga weerarku ka dhacay oo u dhow Ex-Fiyoore waa xiran tahay, waxaana sare loo qaadey ilaalinta Madaxtooyada.

Weerarka ayaa u muuqda habdhaqankii Al-shabaab.

Puntlandi.com
Muqdisho

Comments are closed