|

Dowlada Puntland oo diiwaan galisay tababar deg deg ahna u furtay Ciidamo markii hore Qaab beeleed ugusoo biiray Ciidanka

Ku dhowaad 1600 oo askari oo markii hore qaab Ciidan Beeleed ugu soo biiray Ciidanka Daraawiishta ayaa waxaa loo sameeyey Diiwaan galin iyo Tababar Ciidan maadaama badankoodu ay haysteen khibrad Ciidan.

Axmed Saciid oo ah Sargaal ka tirsan Ciidanka Daraawiiahta ayaa sidaan Puntlandi u sheegay ” Ciidamadaan oo msrki hore la dajiyey goobo ka fog furinta Tukaraq ayaa diiwaan galinta iyo tababarka kadib waxaa lagu kala daray Ciidanka Daraawiishta iyadoo la isku dhex qasay, dhinaca kalena waxaa laga ururiyey hubkii ay wateen iyadoo askari walba lagu wareejiyey hub cusub oo diiwaan gashan, Tuutaha Ciidanka Puntland iyo Qalab kalena waa lasiiyey Askari walba”.

Mar aan waxka waydiinay hubkii ay wateen waxa lagu sameyey iyo sababta looga qaaday wuxuuna ku jawaabay.. ” hubkoodu badankiisu wuxuu ahaa hub duqoobay oo aan la isku halayn karin ama rasaastooda oo badan la hayn, Gudiga Amniga iyo Wasaarada Abniga ayaa hubkaas la wareegay.

Dowlada Puntland ayaa hada wada qorshe ay jaaniska ugu faa’iidaysanayso Oo ay dooneyso iney Ciidamada beelaha ay qarameeyaan oo ay kamid noqdaan Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Odoyaasha dhaqanka ayaa qorshahaan aad usoo dhaweeyey waxayna sheegeen in ay arintaan ay habooneyd in mar hore la sameeyo xukuumaduna ay balan qaado tayaynta ciidanka iyo dhaqaalohoodaba.

Sargaal Axmes Saciid ayaa Puntlandi u u sheegay in Dowlada Puntland ay balan qaadey mustaqbalka Ciidanka ayna hada u dajisay miisaaniyad fashida askari walbana uu helayo Mushaar iyo Gunooyin joogto ah.

Puntlandi.com
Garowo

Comments are closed