(SAWIRRO) bandhigga buugaagta ee Garowe oo maanta si rasmi ah ufurmay.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda dowladda Puntland Abshir Aw-Yuusuf Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u furay bandhigga buugaagta ee Garowe, kaasoo sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah lagu qabtay caasimadda Puntland.
Wasiirku wuxuu aad ugu dheeraaday Akhriska iyo Qoraalka, wuxuu tilmaamay “Akhrisku in uu kordhiyo qoraalka iyo xusuusta” sidoo kalena Akhrisku in uu nafta maaweelo siiyo kordhiyana Fahamka qofka iyo cabqariyadda.
Maxamed Shiikh Xasan aas’aasaha shirkadda Scansom wuxuu sheegay in madasha ay marti ku yihiin ilaa 70 qoraa oo ka kala yimid gobolada soomaalida iyo guud ahaan caalamka sidoo kale madasba waxaa lagusoo bandhigayaa in ka badan 450 muunadood oo buugaag ah.
Guuleed Saalax Barre madaxa xarunta cilmi baarista SIDRA ayaa si diirran usoo dhoweeyay martida bandhigga buugaagta ee Garowe. Guuleed wuxuu sheegay in Hadafka ugu weyn ee barnaamijkan laga leeyahay ay tahay in ummaddu isu baddasho ummad aqooneed lana kobciyo aqoonta sidoo kale in la sameeyo isdhexgal bulsho.
Cabdi Faarax Siciid Juxa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia ahna qoraa kamid ah qorayaasha martida ku ah bandhigga buugaagta ee Garowe wuxuu ku tilmaamay horumar in magaalooyinka Garowe, Muqdisho, Hargeysa iyo Kismaayo sanadihii ugu dambeeyay ku tartamayaan bandhigyo buug.
Wasiir hore Juxa wuxuu soo jeediyay in odayaasha dhaqanka iyo maamulayaasha dugsiyadu noqdaan cidda ugu horreysa ee lagu casumo bandhigyada noocaan ah.
Tayada buugta iyo tifaftirkooda ayuu aad ugu dheeraaday. Juxa a wuxuu kaga qeyb galayaa bandhigga buuggiisa “Qab iyo Quursi”
Marwo Caasho Geelle Diiriye wasiirkii hore waasaradda ee haweenka Puntland ahna Qoraa ka mid ah martida bandhigga buugaagta ee Garowe ayaa madasha ka jeedisay kalmad ku saabsan doorka haweenka iyo qoraalka.
Marwo Caasho waxay dhiirrigalisay hablaha yar-yar ee ku tartamaya akhriska iyo qoraalka.
Marwo Caasho waxay soo jeedisay in dowladda Puntland sameyso xarun lagu keydiyo dhaqanka iyo Taariikhda.
Hormuudkii dhaqaalaha jaamacadda Somalia Prof maxamed ismaaciil oo kamid ah martida bandhigga buugaagta ee Garowe ayaa aad ugu dheeraaday Muhiimadda Akhriska iyo Qoraalka.
Proff Maxamed Ismaciil wuxuu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay in bulshadu Dhaqankeeda, Taariikhdeeda iyo Luqaddeeda ilaashato.
Wuxuu ku dardaarmay in manhajka waxbarasho ee dalka gebi ahaan ba lagu qoro luqadda Afka Soomaaliga.
Qoraaga weyn ee Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ku hadlaya kalmadda qorayaasha wuxuu aad ugu dheeraaday muhiimadda akhrisku leeyahay qoraagu wuxuu sheegay in Akhrisku dawo u yahay qabyaaladda iyo dagaalka aafeeyay soomaalida.
Qoraagu wuxuu ku dardaarmay in dhaqanka ah in soomaalidu tahay bulsho hadal aan ku beddelno bulsho Akhris.
Halkaan ka daawo sawiraddii furitaanka bandhiga.
Puntlandi.com