|

Shirka Bruselles:- Sweden oo shaacisay iney laba jobaartay dhaqaalihii ay Soomaaliya ku taageeri jiteen

Shirka Soomaalida ee ka socda Bruselles ayaa wali Socda Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jiidoyey galabta ( Wararkayaga dambe kala soco nuxurka Khudbada Madaxweynaha).

Wasiirada Arimaha Dibada Sweden Margot WALLSTRÖM oo Madaxweyne Farmaajo kadib khudbaysay ayaa ku dheeraatay s
Xiriirka Sweden iyo Soomaaliya iyo sida ay Dowlada Swden uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka dhalato Dowlad tayo leh.

Wasiiradu waxay sheegtay in Dowlada Sweden ay go’aansatay iney Soomaaliya si dhab ah u garab istaagto ayna Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleeduadaba ay isku raaceen qaab dhismeedka Soomaaliya,

Wasiiradu waxay kaloo sheegtey in Dowlada Sweden ay laba jabaartey dhaqaalaha ay Soomaaliya ugu tala galeen shanta sano ee soo socota, waxay kaloo carabaabtay in shan Hay’adood oo Swedish ah ay ka howlgalaan Soomaaliya ayna shaqadooda laba jabaarayaan.

Waxay kaloo carabka ku dhufatay in Qurba joogta Soomaaliyeed ee Reet Sweden ay oiyana diyaar u yihiin dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirada Arimaha Dibada Sweden Marwo Margot WALLSTRÖM waxay ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalamka in La garab istaago Soomaaliya.

Waxay kaloo Wadamada dariska la ah Soomaaliya ay ka codsatay inay garab istaagaan Soomaaliya iyadoo uga mahad celisay kaalinta muuqata ee ay hada ka geystaan Amaanka Soomaaliya.

Wasiiradu waxay soo dhaweysay Dadaalka Itoobiya ay ku dooneyso xasilinta geeska afrika waxayna aad usoo dhaweysay heshiiska Itoobiya iyo Ilatariya.

Puntlandi.com
Bruselles

Comments are closed