|

Madaxweyne Gaas oo Brusselles kula kulmay Masuuliyiinta EU caawana la kulmaya Jaaliyada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Vabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Bruselles uga qayb galay Shirkii Arimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa shirka ka hor iyo ka dibba wuxuu la kulmay Masuuliyiin ka Socda Midowga Yurub oo Sweden ugu horeysay iyo Masuuliyiin ka socdey Qaramada Midoobey.

Kulamada ayaa looga wada hadley Xaalada guud ee Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Gaas uu kadib si gaara ugala hadley arimaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa intuu joogay Btuselles wuxuu la kulmay Masuuliyiin ka socdey Sweden, Norway iyo Jarnalka.

Waxaa lagu wadaa in uu Madaxweynuhu uu caawa la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Brusseles oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Jaaliyadaha kale ee Wadamada Yurub.

Comments are closed