|

Nabadoon cusub oo lagu caano shubay Gobolka Gardafuu(Sawiro)

Magaalada  Taageer ee Degmada Baargaal  ee gobalka Gardafuu waxaa
lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji
Samatar.

Xalafada caleema saarka oo ahayd xaflad lagu caleema saaro Nabadoon
tii ugu waynayd oo lagu qabto deeganada gobolka Gardafuu iyo  Calbari
ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay
Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan
Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid
degmooyinka iyo magaalooyin waawayn  ee Puntland iyo Soomaaliya iyo
Aqoonyahano iyo waxgarad ka yimi dalalka deriska ah, samadoono,
culamaaudiin , masuuliiyin ka socada Dawlada Puntland oo uu
hogaaminaayay Xildhibaan Salaad Xareed cali, iyo sidoo kale
gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo
Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Qaybta
Gobolka Gardafuu taliye shire Cabdi  ismaaciil iyo marti sharaf kale
oo kor dhaafay 700 oo qof

Isimadii iyo Nabadoonadii ka hadlay Caleemasarka  oo ka jeediyay
madashii caleemasaarka  khudbado isugu jiray Dardaaran iyo Duco ayaa
waxa ay sheegeen in ay Nabadoonka Cusub ay ku soo dhaweeynaayaan
Saaxada Nabadoonada islamarkaana ay garab taagan yihiin.

Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka
hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan Nabadon Cabdulaahi
Nabadoon Caynab islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u
fududeeyo.

Nabadoon cabdulaahi Nabadoon caynab  oo ugu danbayntii ka hadlay
munaasimda caleemasaarka ayaa marka hore bogaadiyay sida wayn ee  loo
soo ajiibay oo looga soo qaybgalay xaflada caleemasaarkiisa asagoo  ka
codsaday in ay la shaqeeyaan wuxuuna u duceeyay dadka iyo dalka in
ilaahay u siyaadiyo nabadda , kana dulqaado abaarta  uguna badalo
raxmad iyo barwaaqo

Waa markii ugu horeesay Caleemasaar Noocaan oo kale ah uu kadhaco
deegaanada Calbari iyo gobolka gardafuu

Comments are closed