|

Madaxweyne Gaas oo lahdlay Jaaliyada Yurub ayaa hoosta ka Xariiqay in Uusan gorgortan ka galayn Gobolka Sool



Xaflad aad loosoo agaasimay oo xalay lagusoo dhaweynayay Madaxweyne Gaas ayaa waxay ka dhacdey Magaalada Bruselles ee Dalka Beljamka.

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen Jaaliyada Puntland ee Beljamka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Yurub ayaa waxaa soo abaabulay Jaaliyada Beljamka.

Madaxweyne Gaas oo khudbad dheer ka jeediyey Xaflada ayaa sheegay in Soomaaliland ay kusoo duushey Puntland taasna xiligaan aysan sinaba gorgortan uga galayn.

Madaxweynaha oo Jaaliyadaha la hadlayay ayaa yiri ” Jaaliyaduhu iney magac u yaal yohiin lama rabo, Waxaan anagu Jaaliyadaha ku qiimeynsynaa siday Dalkooda wax ugu qabtaan, wuxuuna Madaxweynuhu Jaaliyadaha ku booriyey iney ka qayb qaataan horumarinta Dalkooda.

Gudoomiyayaasha Jaaliyadaha ka qayb galay Xaflada ayaa iayan Khudbado ka jeediye

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Saciid Daahir Dhimbil oo khudbad dheer isna ka jeediyey ayaa balan qaadey iney Jaaliyadoodu laba jibaarayso u kaalmeynta Puntland.

Sawirada xaflada iyo video goor dhow naga filo.

Puntlandi.com
Bruselles

Comments are closed