|

Dowlada Emeraatka Carabta oo awoodedu kusii balaaraneyso Geeska Afrika iyo Qatar oo ku wareegaysaneysa Koonfurta Soomaaliya

Dowlada Qadar ayaa magaalada Muqdosho. Dhuusamareeb iyo Jowhar waxay ka fulineysaa dhowr mashruuc oo ay ugu deeqeen Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mashaariicdaasoo ay fulineyso Hay’ada Qatar Charity, Mashaariicdaan yaryarka ah ee Qatar ay ka wado sadexdaan Magaalo ayaa ah kuwa ay Qatar kula tartamayso Dowlada Emaraata, iyadoo horey ugu guulaysatay in ay lacago bandan ku bixiso isku dirka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Emaraatka.

Dhanka kalena Dowlada Emeraatka oo in ka badan boqol sano xiriir wanaagsan la laheyd Geeska Afrika ayaa hada si weyn ugusii balaaraneyso Geeska Afrika.

Dowlada Emeraatku waxay Guul wayn ka gaartay waanwaantii nabadeed ee ka dhex waday Itoobiya iyo Eritrea iyadoo ku guulaysatay iney Heshiisiiso labadaan Dal ee walaalaha ah.

Emeraatku waxay horay gacanta ugu hayeen labada Dekadood ee ku yaal Eritrea. Waa Dekada Casmara iyo Dekada Musasac.

Shirkada Dekadaha Emaraata DP Word ayaa todobaadkaan shaacisay iney Malaayiin Dollar ku maalgalinayaan labadaan Dekadood ee ku yaal Dalka Eritrea.

Dowlada Itoobiya ayaa iyana heshiiska ay la gashay Eritrea waxay u saamaxaysaa iyadoo kaashaneysa Emaraatka iney ganacsi baaxad weyn la yeelato Eritrea.

Heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea wuxuu sii xoogeynayaa saameynta ay Dowlada Emaraatku ku yeelanayso Geeska Afrika. Wadamada Geeska Afrikana iskaashiga casriga ah ee la yeelanayaan Emaraatku wuxuu sare u qaadayaa horumarka iyo nabad galyadooda.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhinaca Qatar raacday Dagaalka Khaliijka ayaa hada ku baraarugtay in Dowlada Qatar aysan SINABA u buuxin Karin kaalintii Dowlada Emaraatka ee Soomaaliya.

Waxaa xaqiiq ah in Soomaaliya ay go’doon gali lahayd hadii ay si buuxda u raacaan xulufada Qatar waxaase la oran karaa waxaa taas ka badbaadiyey Puntland iyo Soomasmiland oo geed dheer u fuulay kana hortagay innaan la waxyeeleeyn ama mugdi la galin Xiriirkii taariikhiga ahaa ee Emaraatka Carabta iyo Soomaaliya,

Dowlada Emaaraatka lafteeda ayaa iyadoo ka dharagsan siyaasada Soomaaliya waxaysan dhag u jalaqsiin Shaqsiyaad jooga Villa Soomaaliya oo Dowlada Qatar kasoo qaatay Shilimaad si ay mugdi u galiyaan Xiriirka Soomaalida iyo Emaraatka Carabta.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed