|

Daawo Jaaliyada Puntland ee Denmark oo Xusay sanad guuradii 20aad ee aasaaskii Puntland

Habeynimadii xalay ahayd oo ku beegnayd 6 ogoosto ayaa caasimada labaad ee Denmark magaalada Aarhus waxaa lagu qabtay Xaflada dabaaldaga sanadguuradii 20aad ee kasoo wareegtay maalintii la aasaasay Puntland, Xafladaasoo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga iyo Bartamaha Denmark.

Xaflada oo ahayd mid siweyn loosoo agaasimay laguna casumay fanaaniin caan ah ayaa waxaa khudbada furitaanka waxaa ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Saciid Daahir Dhimbil, waxaa iyana khudbado waxku ool ah halkaas ka jeediyey Odoyaasha Magaalada Aarhus iyo nawaaxigeeda, waxaa sidoo kale ka khudbeeyey Xubno kale oo isugu jira Aqoonyahano, siyaasiyiin iyo Waxgarad rag iyo Dumarba leh.

Waxaa siqodo dheer looga sheekeeyey Sidii Puntland lagu aasaasay,Xukuumadihii isaga dambeeyey iyo kaalinta Puntland ee Soomaaliweyn, waxaa iayana la isxasuusiyey waajibaadka ka saaran Qurba joogta wax u qabashada Dalkooda iyo in ubadkooda ay baraan dalkooda loona dalxiis geeyo xiliyada fasaxa,

Jaaliyadaaan ayaa 5 sano ee lasoo dhaafay waxay noqotay jaaliyada kowaad ee ugu waxqabadka badan Dalkii, marka loo eego Qurba joogta Puntland ee Caalamka, waa jaaliyada kowaad ee marwalba hormuudka u noqota ka jaawibada baahidahiyada ka yimaada Puntland sida Abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah markay ku dhuftaan Puntland.

Hoos ka daawo sawirada Xaflada


Comments are closed